top of page

Maxaad kala socotaa khayraadka soomaaliya?


Ma ogtahay in Soomaliya ay tahay wadanka 19 aad ee ugu wayn Africa oo dhan? Mala socotaa wadankeena soomaliya in ALLAH uu ku galladaystay dhul beeraad gaaraya, 8 million hectar? Wali maku fikirtay akhristoow sida aad wadankaaga wax ugu qaban lahayd? Mase is waydiisay sida ugu wanaagsan ee looga faa’idaysan karo khayraadka dalkaaga? Haddaba, Waxaan uga hadli doonnaa maqaalkan, Dhul beeraadka soomaliya oo ah qayb ka mid ah khayraadka soomaaliya, halka maqaalka xiga aan uga hadli doono Biyaha soomaliyeed.!

Dhul Beereed.

Soomaalidu waxay beeraha u taqaannaa dhulka lagu beerto dalagyada loogu tala galay in laga dhigto cunto, laakiin waxaa soo galaaya dhaqashada xoolaha. Dhul beeraadka Soomaliya waxaa loo kala qaadaa, 2 qaybood, dhul biyaha wabiyada ku waraaba iyo dhul roobka wax looga soo saaro.(xareed).

Wixi intaas ka soo hara waa dhul, Buuro, Bad, Daaqsin iyo deegaan isugu jira. Waxaan uga hadli doonnaa maqaaladeenna soo socda, hadduu ALLA idmo.


Nasiib darro, dhulka baaxaddaas, la’eg ma’ awoodin in uu farxad galiyo, bulshada soomaaliyeed qaarkood, si’ ay uga faa’idaystaan. Iskaba daayee, wuuba sii niyyad jabiyay, kadib markii qoraaga soomaaliyeed ee caanka ah Nuruddin Farax, uu uga digay walaalhiisa soomaaliyeed in aysan ku noqon dalkooda soomaaliya.!! Asagoo ku yiri “ Forget Somalia” “consider it buried, dead”. Iska iloow, soomaliya , kasoo qaad ayadoo la’ aasay, oo dhimatay.!! Haddii ay aqoonyahannadeeni sidaa u fikirayaan maxaad u malaynaysaa Dadkeeni kale?! Anagoo og in soomalida (80%) aysan wax qorin waxna akhrin. Su’aalaha ka dhalan kara Oraahda uu yiri qoragu waxay u dhigmayaan sidatan:

Xageen aadnaa Aqoonyahan nuuruddiinow? Yaan uga tagnaa dhulki Awoowayaasheen? Aaway wax garadkii soomaaliyeed ? aaway dadki dhulkaan lahaaa? Wali lama gaarin miyaa xilligi aan baraarugu lahayn? Waxaa ku xaqqiiqoowday ummada soomaaliyeed Oraah uu leeyahay, beeraleey South American ah “Hope dies last. You can’t lose hope. If you lose hope, you lose everything.” Dadka qaarkood rajadi ay lumiyeen, markaas kadib, waxay lumiyeen wadankoodi, dhaqankoodi, sharafkoodi, iyo diintoodi.. Hadaad rabto in aad xaqiiqda ogaato, Waydii dadka Saxaraha Libiya ku soo rafaaday, ayaga ayaa ku xasuusin doona, maah maah ingiriis ah aa oranaysa “ east and west, home is the best.”


Ugu dambayn khayraadka soomaliya ma'ahan mid maqaal iyo labo, lagu soo koobi karo, ujeedadu waxay ahayd in aan is xasuusino, oo kaliya...... in waddanka la jeclaado, kaliya ma'ahan in calanka la dhunkado,, ee waxaan leeyahay Qofki waddanka jeceloow, wax baro, si aad nafsaddaada u anfacdo, waddankaagana aad wax ugu tarto...... wax u baro, wadankaaga.


Qore: Mohamed Dahir Abukar.

E-mail : Talo2020@live.com

Refrences:

http://so.wikipedia.org/wiki/Beeraha


Featured Posts
Recent Posts
Search By Tags
No tags yet.
Archives
Archive
Follow Us
bottom of page