top of page
7 shay aad u baahantahay in aad wax ka ogaato inta aadan beer gadan.!
Qaybti, 2 aad.

 

Maqaalkeena qaybtiisa koowaad waxaan uga soo hadalnay, 3 qodob oo aad u baahantahay in aad wax ka ogaato, inta aadan beer gadan!  Si’ adiga iyo beerta aad u saaxiibtaan, kuwaasoo kala ahaa: Aqoon, qalab & qarash. Sidoo kale, Maqaalkan oo ah qaybtii labaad isla markaana ah qaybtii u dambeesay waxaan uga hadli doonnaa 4 qodob oo muhiim ah, si’ aan u dhamaystirno, 7 qodob oo aan soo ballanqaadnay.

 

4- simitaanka dhulka. (labeelment)          

 

Haddii beerta aad gadan rabto, dhulkeeda uu san labeelaysnayn, waxaad u baahantahay in aad beertaada labeelaysato, oo aad sinto. su’aalaha uu akhristaha iswaydiin karo, waxaa kamid noqon kara, sidee u labeelaynayaa dhulka? Marka hore go’aanso in aad labeelayso qayb kamid ah beertaada, waayo hal mar xabadka mawadasaaran kartid, shaqadaas culus, adigoo waliba ku xisaabtamaya qarashkaaga, kadib raadso, darawal xariif ku ah waditaanka baldooska, ama gareedarka oo ah qalabka wax lagu labeeleeyo inta badan, darawalkaasoo, khibrad dheer ah u leh, simitaanka dhulka, qaabaynta ama injineerinta dhulkana ay wax uga bilaabanyihiin.

 

5-Kanaaal toosan, oo biyaha si fudud ku gayn kara.

 

Waxaan arkay beero, 15 sano in kabadan milkiilihi lahaa uu tacbanaayay oo haddana kanaalka biyaha uusan sifiican u habaysnayn, oo laga yaabo, subaxa hore sida matoorka loo soo kiciyo, biyaha beerta ay gaaraan lixsaac, ayadoo beerta  wabiga ay saarantahay, ama ay wax yar u jirto. Si aysan taas oo kale kuugu dhicin, marka hore kanaalka biyaha kuu qaadaya sifiican oo cilmiyaysan uga shaqee.

 

6- Wadooyin shaqada fududeeya.

 

Beer aan waddo leheen waa dhib sida wax soo saarka kasoo baxo, si fudud looga soo saaro, sidaas daraadeed waaskasta oo beerta kamid ah wuxuu u baahanyahay 4 dhinac in jidad ay ka maraan, si ay u fududaato,  shaqada goynta dallagga beerta lagu beero.

 

7- in aad beerta aad si joogta ah aad uga warqabto.

 

Soomaalida waxay tiraahdaa, “xoolo aabo maahee, adeer malahan"  beeralayduna waxay tiraahdaa, “ Beer waxay sheegatay saddax shay, 1- sara joogga iga arag, haddii lawaayo, 2- fadhiga iga arag, haddii lawaayo, 3- jiifka iga arag. Haddii kale, masaaxiibi karno, sidaas daraadeed haddii aadan beertaada dhax joogin, way adagtahay, si faa’iido lataaban karo, aad uga sugtaa, bal u fiirso, oraahdaan talyaaniga ah “ faraska wuxuu ku cayilaa aragtida badroonigiisa” beerta waa sidaa oo kale…

 

Ugu dambayn, Haddii 7da qodob oo aan ku soo faahfaahinay, maqaalkaan iyo kii ka horeeyayba, aad awood u leedahay in aad kasoo baxdo, markaas beer waad gadan kartaa, haddii kale, waxaa u baahantahay in aad laba jeer kafikirto, go’aankaaga.. sidoo kale, haddii aad 7daan qodob qiyaanadooda aad fahamto, oo aad sida ay tahay ula timaado, beer waa saaxiibteen.

Qore: Mohamed Dahir Abukar.

E-mail : talo2020@live.com.

 

 

 

Featured Review
bottom of page