top of page

Waxaan ku soo arkay Muqdisho!

Waxaan aaday muqdisho anigoo maskaxdayda ay ka guuxayaan su'aalo dhowr ah, sida, Maxaa iga dambeeyay? Maxaanse kala kulmi doonaa Muqdisho, ? sida aan ognahay, safar walbo, wuxuu leeyahay, Xasuus u gaar ah, sidaas daraadeed waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago, Qodobo kamid ah wixi aan ku soo arkay Muqdisho, si ay dadka qaar wax uga faa'idaystaan, ama akhbaar ahaan u qaataan. Bal ila eeg Qodobaddaan:

Traffic light.

Oraah ayaa waxay ahayd, "Nidaamku waa furaha Hormarka" Aqristow Horay ma u maqashay mise aragtay Traffic light (Red light of traffic,) oo aan loo istaagayn isla markaana aadan kala garanayn in uu shaqaynayo iyo inkale,! Nin ayaa wuxuu ka sheegay raadiyaha arin lagu qoslo, oo uu goob joog u ahaa. "Waxaan ahaa mid kamid Rakaabka Baabuur aan saarnaa, islamarkiba, baabuurki aan saarnaa, oo kala fireeyay aan arkay! War maxaa dhacay? aan ku qayliyey". Waaw.! umajeedid miyaa Dabka meeshaas ka ifiya? wuxuu ula jeedaa. Nalka cassaanka ee traffic lightka.! Ma aragtay sida ummaddeena ay u dambayso?

Isha iga feed!

Laaluush Hadduu bato, caddaaladdu way yaraataa, qaskuna wuu bataaa. sidaa marka aan leeyahay, Waxaan tagay xaffiisyo, Hospitalo iyo airport, intaba shaqadayda waxaa la’iigu soo fududeeyay, wax aan sharciga ogalayn oo ah Laaluush. Marabo, waxaan soo arkay oo dhan in aan sheego, waayo waxaa horay loo yiri, "curad ah iyo Umulisaba sidii ay wax u ogyihiin wax uma sheegaan" lkn Haddaan tusaale ku siiyo, xafiiski ugu dambeeyay ee aan tago, yarki meesha joogay wuxuu igu yiri, Isha iga Fayd, shaqadaada Halmaalin aan kuugu dhamaynayaaa.! Maxaa kaaga baxay aqristoow luuqaddaas,?

Sharci wareeray!

Waxay ahayd 6.00 am oo subaxnimo, waxaan marayey isgoyska Hawl Wadaag

Waxaa si lama filaan ah ii istaajiyey Askari, waxaana na dhaxmaray sheekaddaan:


Askari : Licen ama (ogalaanshaha darawalnimada) keen?

MCD: sxbow Adiga traffico maa tahay mise Askari?!

Askari: waaba kala taqaanaa miyaa? Askari aan ahay.

MCD: sidee igu waydiisay marka Liceng ka?

Askari: Ninyahoow I afgaro, haddii kale Baabuurka xagga iska dhig.!!!

MCD: ok. EVC kaaga sheeg. waayo, ma'aanan rabin in uu waqti, iga lumiyo, maadaama aan meel ka dagdagsanaa..

Askari : 615xxxxxx


Intaasi waxay ahayd wadahal kooban oo dhaxmaray aniga iyo askariga, sheekadana waxay ku soo gabagaboowday in aan lacag "laaluush ah" EVC ugu tuuro.

Run ahaanti, sharciga asna ma ilaalin anna ma aanan ilaalin.!! aaway xalkii?


Qore: Mohamed Dahir Abukar.

E-mail: Talo2020@live.com

Featured Posts
Recent Posts
Search By Tags
No tags yet.
Archives
Archive
Follow Us
bottom of page