top of page

7 shay oo aad u baahantahay, in aad wax ka ogaato, inta aadan beer gadan.!

2012, anigoo ahaa arday barta, ganacsiga beeeraha, (Agribusiness), waxaan booqday beeraleey badan, oo qaarkood beeraha ku cusubaa, qaarna 20 sano iyo kabadan beeraleey ahaa, Beerahaas badankooda waxay ku yaalliin Degmada Afgooye. Makaa qarin karo, beeraleeydaas, marki aan waraysi la’ yeeshay, qaarkood, waan ka naxay.! Waxa aan soo arkay & waxa aan filayay, ayaa waxay isku noqdeen kaaf iyo kala dheeri. Magaranaysaa akhristoow, waxa aan soo arkay ? Waxaan indhahayga ku arkay beeraleey dhowr boqol oo hayktar leh, isla markaana ay sakada ku baxdo.! Sakada Ku baxdo aa ?! Waxaan ku leeyahay, Haa. bal ila xasuuso, 8 qolo ay sakada ku bixi jirtay, soo kama mid ahayn “Kuwa daynta lagu leeyahay”? Xaqiiqdaas, markaan ogaaday, waan qaadan waayay, waxaan bilaabay, in aan iswaydiiyo su’aalo badan : Maxaa ka qaldan beeralaydaan ? sidee lagu saxi karaa waxa ka qaldan ? su’aasha ugu adkayd ee aan iswaydiiyo, waxay ahayd, Arday ahaan, Waa maxay 3 shay haddii aan qabto, taasoo saamayn wayn ku yeelanaysa hormarka beeralayda soomaliyeed ? waana su’aashan su’aasha igu kaliftay, in aan baaritaan dheer sameeyo, isla markaanna aan qoro, maqaalkaan iyo maqaallo kale, oo badan oo ugu horeeyo, Qudaarta soomaaliya maxay suuq u heli la’dahay ? sideese lagu xallin karaa caqabadaha hortaagan ? Haddaan mawduuceena manta u soo noqdo, waxaan uga hadli doonnaa 7 qodob oo ay beerta kaaga baahantahay, si’ ay kuula saaxiibto. Markaan saas leeyahay, waxaan arkay beeralayda iyo beeraha in aysan hishiis ahayn, oo uu dagaal joogta ah, uu ka dhaxeeyo, sida dagaalki Juuj kamaa juuj iyo buur khaaf.! Waxaa laga yaabaa in aad is waydiiso, toloow, wayfiicnaan lahaydee, side lagu hishiisiin karaa? Si’ aad u ogaato, jawaabtaas, akhri, 7 qodob ee soo socota: oo loo kala qaybiyay labo, maqaal. Qaybta 1 aad &

Qaybta 2 aad. Aan ku hormarno, qaybta koowaad ee maqaalkeena. ku raaxayso akhriskiisa.


1-Aqoon.!


Wax walbo, aad qabanayso, waxay kaaga baahanyihiin, in aad u leedahay, aqoon, Beerna wayba ugu sii darantahay. Taas, macnaheeda, ma’ahan in aadan beer gadan, Karin ama aadan tacban Karin , haddii aadan aqoon u lahayn, lkn, waad ku dhibtoonaysaa…bal u fiirso Tusaalahaan, waxaan xasuustaa, oo aanan marna iloobayn, midka kamid ah beeraleeyda waawayn oo ii qirtay, in 5 ta sano, ee ugu horaysay, beerta aysan waxba ka faa’iidin, asagoo, u sababaynaayo, aqoon la’aanta haysatay, markaas. Wuxuu intaas ku daray, ninki beeralayga ahaa, 5 sano kadib ay beerta bilaawday in ay is bixiso oo isku filnato!… lacagti lagu gaday oo laga helo, warkeeda, daa… haddii ay biilka bixiso, ay nasiib leedahay!!…Bal aqristoow qiyaas, Hadii laguugu sheekeeyay, haddii aad beer gadato, lacagta, meel aad kala dhigto, aad waynaysaa, oo haddana ay kugu dhacdo, wixi beeraleey, badan ku dhacday, oo ninkaas beeralayga ah uu kamid yahay.? Haddii aad I waydiiso, sxbow, beer aan iibsaday, aqoonna uma lihi ee maxaa xal ah? waxaan ku leeyahay, maamule fiican, aqoonyahanna ah, khibradna leh, raadso, (Masterminds) si uu kaaga caawiyo, ama uu u fududeeyo, hormarka beerta….. Oh, Sanadkaan, dad aqoonyahanno, ah oo raba, in ay beer ka shaqeeyaan lama helo….ee wax kale sheeg…mar haddii aad sidaa aaminsantahay, waa runtaa,waayo, Fikirkaas, ah “lama helaayo” asagaaba cillad, ah, sidaas darraadeed cilladaadi, dhibkale, oo ka darran aa yimid,kaasoo ah fikirka ah “lama heli karo”fikirkaas aa xal u baahan, inta aanan wax kale la qaban.!!!!


2- Qalab.


Horay, aa waxaa loo yiri: “saddax kalama maarmaan”: 1- Beer. 2- Bir. iyo 3- Biyo. Anigana waxaan leeyahay, beer waxay beer ku tahay, qalab, sidaas darraadeed,waa in aad ku xisaabtantaa, sidi aad beertaada qalab ku filan ugu heli lahayd….


3- Qarash.


Ingiriisku wuxuu yiri “lacagtu way hadashaa” Oraah kalana, waxay leedahay, “wax walbo waa lacag. Lkn lacagtu wax walbo ma’ahan, carabtu waxay tiri, lacag ayaa lacag dhasha”. Aniguna waxaan leeyahay, lacagtu waa awood. Waxaan ula jeedaa,Qarash la’aan beer lama wadi karo, sidaas daraadeed, haddii aad beer gadanayso, ama aad rabto, in aad beer tacbato, marka hore is waydii, lacagti, ama qarashki beertaan lagu maal galin lahaa mahaysataa?ama sideeku heli kartaa ?


ugu dambayn, waxaa inoo haray, afar qodob, oo muhiim ah, si adiga beer aad u saaxiibtaan, waxaana ku faah faahin doonaa hadduu ALLA idmo, maqaalkeena 2 aad....


Lasoco qaybtaa 2aad…….

Waxaa diyaariyay, isla markaana Qoray.

Mr. Mohamed Dahir Abukar.

E-mail : talo2020@live.com

Wixi su’aal, ama soo jeedin ah

Fadlan E-mailka, kor ku qoran

Ku soo dir.

Mhdsanid.

Featured Posts
Recent Posts
Search By Tags
No tags yet.
Archives
Archive
Follow Us
bottom of page