top of page

Soomaalidiina jiiftaay, wabigiina waa sifir, sideebaan waxyeelnaa ?!


Nin ma’suul ah maan jirin ? Nin wax sheega maan lahayn ? Nolasheenu waa maxay ? naftaada mooyee noola kale maan jirin ? Waa dhambaale ila dhuux. Fikir, oo ku dheeroow, dheelna yaysan kula noqon. Haddaad dhaayo leedahay, soo madheehan wabigii, dhiigga soo kumuu kicin ?

Soomaali dhab haddaa tahay, dhulku, kuu dhibtoonyahay, maskax maad ku dhistidoo xalka iyo wanaagga dhidid maa ku bixisid ? Dhanka kale, waxaa jira su’aalooyin dhowr ahoo dhiraan dhiris u baahanee adiguna dhankaaga dhambaalkayga eegoo fikraddaada ka dhiibo.


Maku soo gaartay in biyaha labada wabi 56% ay nooga yimaadaan itoobiya ? Ma’ogtahay in soomaliya ay numbarka 1aad uga jirto waddamada biyo’ la’aanta ay kajirto, sida ay caddaynayso daraasaddi u dambeesay ? Ma’ogtahay in laga digay biya’ la’aantaas 15 sano kahor, sida ay muujinayaan daraasado caalami ah oo lasameeyay xilligaas ? Ma’ is waydiisay in itoobiya ay awood u leedahay in ay biyaha wabiga shabeelle ay celin karto iyo inkale ? Qiyaas maxaa dhici kara haddii biyo xireenada (daamamka) itoobiya la adkeeyo, isla markaana ay adkaato, in biyo badan ay soo gaaraan soomaliya ? Madhici kartaa in beeraha soomaliya oo ku tiirsan labada, wabi, ay noqdaan beero xareed ku waraaba ? Haddaba haddii ay arintaas dhacdo, sidee ay saamayn ugu yeelan kartaa bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya ?

Saamayn intee la’eg ay bulshada saamayn kartaa ? Suurayso oo qiyaas, walaalkaa soomaliyeed oo meel u jirta Mogadisho 40 km oon (biyo la'aan) ugu dhimanayo dareenkaag siduu noqonayaa ? Waxaan ula jeedaa dareenkaaga Bini’aadannimada, dareenkaaga islaannimada ama xittaa dareenkaaga muwaadannimo waaba haddii uu jiro.! mase dareen malihinoo dareen keena wuu dhintay ?! Horta aan ku waydiiyee Dareenku madhintaa ? Maxaa diiday in dareenku uu dhinto, dhimasho jaahilnimo ah ? haddaba haddii aad naftaada oo kaliya aad kafakarayso, Ma’umalaynaysaa in uu dareenkaaga noolyahay ? Sidee ku ogaanaysaa in dareenkaaga uu dhintay ? Marka aad isku qanciso erayaddaan soo socda : maxaa iga galay .! Waxa ay qusaysaa arintaas Hay’adda cuntada adduunka ? Maxa kaa gali waayay Walaal ? soo walaalkaa Soomali ma’ahan ? Soo walaalkaa Muslim ma’ahan ? Soo walaalkaa Bini’aadannimada ma’ahan ? Maxaad uga cararaysaa mas’uuliyaddaada oo dusha uga tuuraysaa FAO iyo WHO ? soo madhici karto, dhibaatada maanta walaalkaa saamaysay in adigana barrito ay ku saamayn karto, haddii aad ku fiirsato ? Waxaa laga yaabaa in aad latimaado marmarsiyo jilicsan oo aad dhahdo, Maxaan u qaban Karaa Maxamadow waa I daalisayee ?! Soo ma’ogid in aan ahay arday, ? Ma waxaad ii malaysay maalqabeen wayn ? Soomaalidu waxa ay dhahdaa “qosolba hiilo waa galaa” kafikir waxa aad u qabana karto, walaalahaa, ka’arday ahaan ? ka, ganacsade ahaan ? ka muwaadin ahaan ?! Kamacallin ahaan ? Ka shaqaale ahaan ?! "Fikraddaada waa lacagtaada", sida waxaa yiri Robert Kiyosaki. Sidaas daraadeed, Fikraddaadu waa muhiim.! Is waydii waa maxay hal sheey ama labo sheey haddii aan qabto saamayn ku yeelanaya Guud ahaan Bulshada soomaliyeed gaar ahaan nafsaddayda ??


W/Q : Mohamed Dahir Abukar.

E-Mail : talo2020@live.com

Facebook username : https://www.facebook.com/muhammed.dahir

blog : http://knowyourfarm.wix.com/talo



Featured Posts
Recent Posts
Search By Tags
No tags yet.
Archives
Archive
Follow Us
bottom of page