top of page

Kayd xumadii shalay sidee looga kabsan karaa ?


Aqristoow, lacag makaydsatay,haddana dib ma’u isticmaashay oo makaa dhamaatay ? Ma is waydiisay in ay jiraan qaabab casri ah, oo kaduwan qaababki horay loo isticmaali jiray ?. Haddaba haddii ay jawaabtaada haa tahay, haka shalaaynin qaabki shalay ee qaado, manta waxaan kuu sheegayo, si’ ay kaaga kaafiso, Kurbadii ku haysay, iyo kayd xumadaadii….

Haddii aan horay u sii galo, dulacda mawduuca, waxaan uga hadli doonnaa, maqaalkan, qaabab dhaqameedka ay soomalida wax u kaydsadaan, iyo qaababka casriga ah ee wax loo kaydsado.

Qaab dhaqameedka soomalida ay wax u kaydsadaan.

  • Waxay isku dayaan in wax yar, ay lacagtooda kamid ah meel dhigtaan, muddo kadibna ay dib u isticmaalan.

  • Lacag ayuuto ah, oo marki ayuutada laqaato, horay laga isticmaalo.

  • qaarkoodna waxba makaydsadaan oo haddii aan dayn lagu yeelan farxad ay joogaan,

  • qaarna dayn dayn ku gud ay ku noolyihiin.

Xageen ka bilaabaa haddii aan rabo in aan qaab casri ah wax u kaydsado ?

  • Ogoow qarashkaaga meesha uu ku baxaayo. (know where your money is going to)

Qaabka ugu fiican aad ku ogaan karto, waa in aad qorshayso, qarashka kaa baxaayo, isla markaana aad qorto, wax walbo, aad qarash ahaan u isticmaasho, xittaa haddii maqaayad ka cabtay, koob shah, qor qarashka kaaga baxay. Qoraaga ayaa arintaan tijaabiyay sanadki 2012, asagoo xittaa qori jiray lacagta uu wargaysyada ku soo gato, qoraaga tijaabaddaan wuxuu waday, muddo 3 bilood oo xiriir, ah, natiijadi waxay noqotay in uu ogaado, meesha qarashkiisa uu ku baxayo, kadibna wuxuu sameeyay, Miisaaniyad, waayo, wuxuu ogaaday meesha lacagtiisa ay aadayso, taaso sababtay, in qoraaga uu sifudu ku kaydsado, dakhliga soo gala, 30% kamid ah, asagoon dareemin, culays saa’id ah, halka saaxiibadiisa, ay bisha marka ay 25 marayso, qaarkood lacagta biilka ka’go’do, ayagoo kadib ku calaacalaya, dhirta aan saarannahay, oo ay ula jeedaan lacagti, way naga go’day..Waxaa kaloo xusid mudan, qodob, aad u caawiyay qoraaga in uu sifudud wax u kaydsado, qodobkaas oo uu kabartay Robert Kiyosaki, kaasoo ah qaanuunka dahabiga ah ee kaydka:

Nafsaddaada wax sii marka hore. (pay yourself first).

Maxaa loola jeedaa pay yourself first.? waxaa loola jeedaa, in marka ugu horaysa ee dakhliga kusoo galo, aad adiga nafsaddada wax isa siiso, inta aadan qarash kale, bixin, tusaale, haddii aad bishi qaadato, 100 $. kaydso, 10$ oo kamid ah, inta aadan wax kale bixin..waayo, haddii aad ku fikirto, wixi qarash laguugu leeyahay, iska bixi, wixi soo hara, kaydso, waxay u badantahay, in aysan waxba soo harin, ama wax yar oo aan badnayn ay kuu soo haraan.! Waxaan lawadaagay, fikraddaan, qaar kamid ah saaxiibadayda, intooda bandanna way ku guulaysteen, haddii saaxiibaddayda ay u socotay fikraddaan adna maxaa kuu diiday in ay kuu socoto, oo aad tijaabiso ?

Meeqo lacag aan u baahanahay in aad kaydsado.?

Waxay ahayd xilli duhur ah, waxaan nasiib u yeeshay in aan isla qadayno, midkamid ah, saaxibadayda, islamarkaana ah arday dhigta jaamacadda banaadir kulliyadda beeraha, wuxuu si kadis ah ii waydiiyay: sxbow lacagti, biilka aan qaato, way ii kaydsami, la’dahay, mobilke aan ku kaydsadaa, haddana dib aan u isticmaalaa, Maxaad talo igu darsan lahayd ? waana su'aasha igu kaliftay in maqaalkaan aan qoro, si’ dadbadan oo lamid ah saaxiibkayga ay uga faa’iidaan…Sxbkeey, Wajigiisa waxaan ka akhristay in su’aasha ay daacad ka tahay, aamusnaan yar kadib, waxaan u sheegay, waxa aan hadda kula wadaagi rabo, aqristoow, taasoo, ah: in lacagtiisa 30% ay waajibtahay in uu qaabka soo socdo, u bixiyo, haddii uu rabo, in uu gaaro, hormar lataaban karo… Muhiim ma’ahan inta aad qaadato, bishi, 100$ 200$ & kabadan, ama ka yar, waxay rabto hanoqoto, lkn waxaa waajib ah, in 30% sida soo socoto, loo qarash gareeyo. Wuxuu lasoo booday saaxiibkeey, asagoo wajigiisa ay ka muuqato, layaab.! Maxaan ku samaynayaa boqolkiiba soddonkaas.? Tusaale ahaan, waxaad qaadataa 100$. Boqolkiiba labaatan oo boqolkaas dollar kamid ah, waxaad ku ridaysaa kaydka, taasoo ah 20$ oo kamid ah boqolkaas. Sidoo kale, 10 $ oo kamid ah boqolkaas,( dakhligaaga) waxaad u baxinaysaa sadaqo. (charity).

  • Sadaqadaas, qofkaa rabtid sii, walaalkaa, walaashaa,xaaskaaga, ama qof kugu dhagnaa oo lacag kaa rabay, sii. Lkn waa in aad bixisaa, hana u malaynin, 10 kaas sadaqada ah in ay wax kaa nusqaaminayso, waayo, sadaqana wax ma nusqaamiso, ee way saa’idisaa… sidaas waxaa ku qarash gareesay, 30$ oo dhiganta 30% lacagta dakhliga kusoo gasha oo ah 100$, haddii dakhligaaga uu intaas kabadanyahay ama uu kayaryahay ka tusaalo, qaado, tusaalahaan. saaxiibkay, oo is celinwayay ayaa wuxuu lasoo booday, lacagta aad sheegayso, anigoon bixinin ayaa bisha 25 marka ay gaarto, uu biilka iga go’aa..! Oh, waxaan ku iri saaxiib, waxaa la’ogaaday baaritaan dheer iyo tijaabooyin badan oo lasameeyay, kadib, in qof walba, lacagta dakhliga soo gasho, boqolkiiba todobaatan ay ku filantahay, haddii ay ku filnaanwaysana, qaabka uu wax u qarash gareeyo, aa wax ka qaldan, oo waxaa laga yaabaa in ay iskaga qaldantahay, wax ay reer galbeedka ugu yeeraan, wants & needs.. sidaas daraadeed waxaad u baahantahay marka hore tallaabta koowaad aan kor kusoo sheegnay, in aad raacdo, taasoo ah: ogoow qarashkaaga meesha uu ku baxayo, qor, kadib, wixi qaldan sax, si aad u kaydsado, 30% oo dakhligaaga kamid ah, taasoo, waajib ku ah, qof walba oo raba in uu hormar dhaqaalo gaaro. Xoogaa markuu fikiraayay, uu yiri sxbkay, waan fahmay, Dib u isticmaalidda aan dib u isticmaalayo, maxaa ka dhahday sxb? Kadib waxaan u soo jeediyay:

  • qaababka soo socdo:

  • Qaabab aad ku kaydsan karto, lacagtaad:

  • Waxaan u sheegay in uu u baahanyahay sxbkay in uu furto, 3 accoung : ama ugu yaraan labo, accoung.

  1. Salaam Bank.

  2. Premier bank.

  3. Dahabshiil/ ama international Bank of Somalia.

Salaam bank, waxaa ku kaydsanaysaa, lacagta aad ugu talagashay, in aad isticmaasho (expenses), taasoo ah 70% oo dakhligaaga kamid ah, haddii aad doonto, waxaa ku dari kartaa, 10% oo sadaqada ah, kuwaas oo laba gooraba ay ahayd in ay baxaan. Sababta aan salaam bank aan ugu dooray expenses ka waxay tahay, waa bank ay aad u fududahay in aad lacagta aad kala soo baxdo, mobilkaaga gudihiisa, taasoo laga yaabo, in caqabad kugu noqoto, haddii aad lacagta kaydka aad dhigato, Haddii uu go’aankaaga jilicsanyahay.

Kadib markii bangiyada aad isku barbardhigto, Waxaa dooranaysaa, bank ku haboon, kaas oo aan wax ku soo dallacaynin,(service) kaydkaas lacagta la dhiganayo, awgeed, markaas, kadib, waxaad samayn kartaa in aad kaydka hal bangi dhigato, ama haddii aad doonto, laba bangi oo kala duwan aad kala dhigato, kiiba 10 $ oo ka imaanaysa dakhli kasta oo kusoo gala. Sidaas waxaa uga nasanaysaa, lacagti kaydka oo mar walbo, aad mobilka kala soo baxaysay…

Intaas waxaa sii dheer lacagta 20% ga kaydka ah, waxaa mustaqbalka u qaybin doonaa, wax la yiraahdo, active capital & passive capital, waayo kayd kaligiis macno, masamaynayo, waxaan u baahannahay in aan ka shaqayno, qaabkii loo kobcin lahaa, lacagtaas lakaydiyay. Waxaan arkay, dhalinyaro, badan oo kaydka ku fiican, lkn haddana aan garanayn, wax ay ku qabtaan, muddo, kadib ayagana dib ay u isticmaalayaan, waa sida uu yiri, Roberto, Kiyosaki "savers are loosers"!!.. waxaa laga yaabaa maqaaladdeena danbo, Hadduu ALLA idmo, in aan ku soo hadal qaadno, active capital iyo passive capital. Maqaalka oo nagu dheeraady awgiis, halkaan aan ku joojinaynaa.

Qore: Mohamed Dahir Abukar.

E-mail: talo2020@live.com

Facebook user: facebook.com/muhammed.dahir

Refrences:

Websites:

1-http://www.mymoneycoach.ca/saving-money/saving-tips/how-to-save-money

2-https://www.bankofamerica.com/deposits/manage/ways-to-save-money.go

3-http://www.thisismoney.co.uk/money/bills/article-1591904/50-ways-save-money.html

4-http://www.americasaves.org/for-savers/make-a-plan-how-to-save-money/saving-on-a-tight-budget

Books and Pdf.

1-smar kid rich kid. Robert Kiyosaki.

2- guidelines for savings.

Waraysiyo:

1-Xasan Mohamed Xasan, (Ganacsade.)

2-Mohamed cabdi. (Arday.)

Featured Posts
Recent Posts
Search By Tags
No tags yet.
Archives
Archive
Follow Us
bottom of page