top of page

Caleen kaduudka Yaanyada. Tomatoes yellow leave curl (TYLCV).

Waa maxay cudurkan kaduudiya yaanyada calenteeda ? Maxaase keenay? side looga hortagi karaa?

Waa maxay calaamadaha lagu garto cudurkaan ? maxaase lagu daaweeyaa ?


Cudurkaan waa cudur dhibaato ba’an ku haya, guud ahaan, beeralayda caalamka oo dhan, gaar ahaan, kuwa soomaliyeed, haba ugu darnaadeen kuwa yaanyada tacbo, waayo cudurkaan yaanyada kaliya kuma dhaco.!, wuxuuna ku abtirsadaa, ………. Viruses: Geminiviridae: Bigeminivirus.


Cudurkaan, wuxuu u badanyahay dhulka tropical iyo subtrobical ka ah, marki u horaysay, waxaa lagu arkay, Bariga dhexe, qarnigi labaatanaad bilaawgiisa, kadib tartiib tartiib ayuu caalmka intiisa kale ugu faafay.! Dhammaadkii qarnigi labaatanaad ayuu Africa soo galay, sidaa ayuu Soomaliya ku soo gaaray. Lama oga xilliga saxda ah ee uu Soomaliya soo galay. Si kastaba ha ahaatee, Somaliya waxaa laga helaa, meel walba oo laga helo geedaha uu ku dhoco, ( host plants,) gaar ahaan geedka yaanyada.! Cudurkaan waa virus, wuxuu gala caleenta yaanyada, Waxaan ognahay cuduradda virus ka iskama faafaan, ee waa la faafiyaa oo waxay leeyihiin, adeegayaal, (agents). Cudurkaanna waxaa faafiya oo adeegge (Factor) u ah, cayayaanka layiraahdo, tixsiga cad. (whitefly)Waxaan uga hadli doonnaa qaybaha dambe ee qoraalkeena.


Cudurkaan geedka ugu badan ee uu ku dhoco, waa Yaanyada, inkastoo oo uu ku dhoco, dhirkale, oo farabadan oo gaaraysa, Illaa 15, waxaana kamid ah, dhirta uu saameeyo, Sisinta, (Sesemum indicum) Tubaakada, (Nicotiana spp.) Wuxuu kaloo ku dhucaa, dhirta qurxinta loo isticmaalo, sida Eustoma grandiflorum, taasoo uu six un u dhaawici karo, sida uu caddeeyay, ninka la yiraahdo, Cohen 1995 tii.


Waxyaabaha, lala yaabay, oo illaa hadda aysan u haynin culumada, caddayn buuxda, waxa weeye, Tubaakada, iyo qaar kamid ah, cawska, oo uu ku dhoco, cudurkaan oo aan wax calaamad lagu garto ah laga dareemaynin.!



Sidee lagu gartaa cudurkaan ? (symptoms)


Cudurkaan viruska ah oo loo yaqaano, Tomatoes yellow leave curl, soomaliduna ay u taqaanno, (kaduudiye). Sababta ay soomalidu ugu bixisay magacaan, waxa weeye, calaamadaha ugu cad cad ee lagu garto, waxaa kamid ah: wuxuu soo kaduudiyaa, oo uu soo yareeyaa, caleenta yaanyada sidi, geed wax badan la’oomiyay oo kale, Waxaa kaloo lagu garan karaa, Koritaan la’aan daran,(stunt growth) gaar ahaan, haddii uu cudurka haleelo, xilli hore. Caleenta oo cabbirkeeda caadiga ah ka yaraato, korna u soo duubanto, ayadoo, waliba caleenta dhinacyada kaga soo bilaabanayaan, jaallo, qafiif, ah, tasoo, hadba sii, saa’idaysa, haddii cudurka saamayntiisa sii dheeraato. Mar qoraaga uu booqasho ku tagay, beero, cudurkaan, saameeyay asagoo rabay in uu soo xaqiijiyo, saamayn intee la’eg ayuu cudurkaan u gaysan karaa, geedka yaanyada ah, ayaa wuxuu indhihiisa ku arkay dhicitaanka ubaxa yaanyada in ay aad u badantahay, isla markaanna ogaaday, meeshii, 6 ama 7 ubax saarnayd, in hal xabbo uu geedka ceshado, inta kalana uu iska daadiyo. Taasoo keenaysa hoos u dhac xooggan oo ku dhaca wax soo saarka yaanyada, Mar, la baaray Cudurkaan wax yeeladdiisa dhaqaale inta ay gaarsiisantahay, waxaa la ogaaday in uu aad wax u dhimo, oo waliba waxaa laga yaabaa haddii uu cudurka xilli hore haleelo, ama asagoo cudurka uu hayo, lasoo siibo, la talaalo, in uu gaysto, qasaaro, gaaraya %90- illaa %100. Taas oo ah wax laga naxo.! Meelaha uu aadka u saameeyay waaa kamid ah shalaambood oo aad yaanyada looga tacbo.


Hadii calaamadaha aan soo sheegnay qaarkood, ama badankooda aad ku aragto, geedka yaanyada, ah, waxay u badantahay, in uu hayo, cudurka (TYLC) oo ay soomaliddu u yaqaaniin, caleen kaduudiye.!


Waxaa qadka taleefanka ku jira: Mid kamid ah beeralayda uu wax yeeladda ba’an soo gaarsiisay, cudurkaan, oo layiraahdo, Mr shafici.


Qoraaga: halloow , Mr shafici ma I maqashaa ?

Shafici: Haa, waan ku maqlaa, Macallinow waxaad inoo soo sheegtay in cudurkaan uu leeyahay, adeeggayaal faafiya (agents) Waxa ugu muhiimsan oo ay waajibtahay in aan la dagaallano, waa adeegayaasha cudurkaan faafiya. Marka waa maxay adeegahaas cudurkaan faafiyo?



Lasoco qaybta 2aad…..

Qore : Mr. Mohamed Dahir Abukar.

E-mail : talo2020@live.com

Wixi su’aal, ama soo jeedin ah

Fadlan E-mailka, kor ku qoran

Ku soo dir.

Mhdsanid.

Featured Posts
Recent Posts
Search By Tags
No tags yet.
Archives
Archive
Follow Us
bottom of page