top of page

Adoona dhawrin, Maxaa dhaliisha dhankaaga geeyay ?! dhaliisha daayo dhankaaga dhuuqso.!


Ma waxaad u malaynaysaa in isbadalku kaliya uu yahay in shakhsi ama qof labadalo?! Miyuusan ahayn isbadalka saxda ah, fikirka oo isbadala ? Ma kula tahay haddii fikirka uu isbadallo isla xisaabtanna uu yimaado in waxbadan ay isbadalayaan ? U fiirso, oo kafikir, Nabi Muxammed Csw, iyo asaxaabtiisa marka ay furteen Makka, Madaxda Makka ka ariminaysay uu ugu horeeyay Abuu sufyaan malabadalay ? Mase waxaa la yiri, “Qofkii abii sufyaan Gurigiisa galaa Waa Aamin” ?! Maxay tahay sababtaas ? Miyuusan abii sufyaan ahayn Hogaamiyihii mushrikiinta inta uusan islaamin ?! sidee xilkiisa loogu daayay ? dhinacee laga fiiriyay ? Siyaasad, ?! diin ?! Mase Qabiil ?! Miyaanan Annagu bin aadam ahayn ?! soo ma’ ogin in qofka insaanka ah uu kawayn yahay shakhsiyaddisa, ? Haddaba haddii ay jawaabtaada haa tahay, Maxaa diidaya in qofki shalay ficilka qaldan sameeyay in uu maantana sameeyn karo ficil fiican oo ka duwan kii hore ? Maxaan u doorbidnay in ay dadkale noo fikiraan oo mar walba aan u waydiinaa su’aahan Hebel kawaran ?! Maxay tahay sababta nafsaddeena aan ugu raadinayno marmarsiyo, iyo qiil, halka dadka kale aan ula dhaqmayno sida qof aan fursad dambo lahayn ? Waxaan la hadlayaa adiga. Haa. Adiga ayaan kula hadlayaa...Aan ku waydiiyee, Nafsaddaada maku dadaashay oo hormar aakhiro iyo adduunyaba leh ma’u horseeday ?! Makula wadaagaa qaabka ugu fiican ee aad Qaranka & qoyskaba aad ku caawin karto ? Marka hore, adiga qof ahaantaada isku dadaal.!! Miyuusan Qaranka iyo qoyskaba ka bilaaban qof ?! Qofkaas oo adiga aad kamid tahay! toloow xageey wax ka qaldanyihiin ? waxa ay ila tahay, Waxaa aad u kala sarreeya labo, sheey: Rajada aan ka qabno dawladda (our expectations.) iyo waxa ay awooddo dawladda (actual ability and capability of our goverment) ayaa aad u kala sareeya.!! Bal kawaran, haddii cunug yar oo hadda dhashay aan ka rajayno, in uu horay kasocdo, halki aan dhihi lahayn soo barbaar oo aan u ducayn lahayn ?! makula saxantahay arintaas ?! Fadlan iiga jawaab su’aashan soo socto, adiga oo mhdsan. Yaa dooran lahayd, Haddii laguu soo bandhigi lahaa ciidamo ka kooban Bakaylayaal oo uu hogaamiye u yahay libaax, amase, si ka duwan, ciidamo libaaxyo ah uu hogaamiye u yahay bakayle ?!



Featured Posts
Recent Posts
Search By Tags
No tags yet.
Archives
Archive
Follow Us
bottom of page