top of page

Adigoo shaqadaada u duuban  Maxaa diiday in aad doonto dadaal lacageed ?!


Dabcan Qof walba wuu rabaa in uu lacag helo. Xittaa qolada zuhdiga sheeganaysa waxaa xaqiiq ah in ay lacag jecelyihiin!, sababtoo ah, lacag jacaylka waa arin nafsadda bani aadamka ku abuuran. U fiirso, erayga “lacag” haddii akhrintiisa gadaal laga soo bilaabo, waxa ay noqonaysaa ‘Gacal” Ma ogtahay qof caqli leh oo gacalkiisa neceb ? Doodda hadda ma’ahan lacag majecelnahay iyo majeclin ee Su’ aasha Su’aalaha waxa ay tahay, sideen lacag ku helayaa ? Sideen lacag ku samaynayaa ? Dadka badankiisa jawaabtoodu marka halkaan la joogo way iska ag dhawdahay, oo waxa ay ku leeyihiin, shaqayso.! Shaqo lacag fiican leh raadso, guulooyin ka gaar shaqadaada, si aad lacag fiican u hesho.! Oraah Soomaliyeed ayaa waxa ay leedahay “Nin aan shaqaysan shaah waa ka xaaraam”.! Inkastoo ay shaqadu sharaftahay, haddana u malayn maayo in jawaabta dadkaas ay bixiyeen in ay sax tahay, Kumana raacsani.! Magaranaysaa sababta ? Maxaa yeellay, Shaqaalanimo, nolol (living) ayaa lagu sameeyaa ee lacag laguma sameeyo. Maxaan sameeyaa maxamadow ? shaqada aad haysid hadda ama dakhliga kaa soo galo, waxaa loo baahanyahay in aad ka deeqtoontahay ama aad ka maaranto oo aadan ku tiirsanayn 100%. Ma ogtahay waxa dhacayo haddii aad halkaan shaqo, ama dakhliga kaa soogalo aad ku tiirsanaato 100% ? Waxaad ahaanaysaa qof u baahan oo ku tiirsan shaqadaaan ama dakhliga kaa soo galo, oo aadan sinna uga maarmin, sidaas daraadeed, Waxa aad u shaqaynaysaa lacag daraadeed.! Oo haddii lagu waydiiyo, sababta aad shaqadaan u qabanayso maxay tahay waxaad lasoo boodaysaa, lacag in aan ka helo si aan ugu noolaado.! Ma ogtahay in lacag darraadeed aad u shaqayso in ay tahay sabab qaldan ?! Ma’ahayn in aad lacag daraadeed u shaqayso ee waxa ay ahayd in aad qanacsanaan u shaqayso, (satisfaction). Haddii kale, waxaad qabanaysaa shaqo aadan jeclayn. Mar haddii aadan ka deeqtoonayn shaqadi aad qabanaysay, iyo dakhligi kaa soo galaayay, shaqada aad qabanaysidna aysan ahayn shaqo aad jeceshahay, sababta aad u qabanayso shaqadaas ayaa ah lacag, daraadeed ee ma’ahan qanacsanaan, iyo jacayl midna. Ma u malaynaysaa in shaqadaas aad lacag kasamayn karto, lacagtaas oo ku gaarsiin karto, darajada taajirnimo, si nafsaddaada iyo dadka hareerahaaga joogo aad u caawiso ? Maxamadow, shaqadaan aan hadda ku tiirsanahay waan jeclahay, ma’ahan shaqo aan dhibsanayo sidaas daraadeed soo lacag kama samayn karo ? Waxaan codkayga ugu sareeya kugu leeyahay, Haa iyo Maya labadaba.! Waxaan ku leeyahay haa oo waxaad kasamyn kartaa, lacag Naf celis ah. isla su'aashaas anigoo ka jawaabaya waxaan leeyahay MAYA. Sababtoo ah, Ku tiirsanaanta halkaan shaqo oo aad adiga hayso, Ma’ahan waddadi lacagta lagu samayn lahaa.!! Taas badalkeeda waxaan aaminsannahay in ay tahay midda kasoo horjeeda, oo ah in aadan ku tiirsanaanin dakhli hal meel kaasoo gala.! Arintaasna waa mid kamid ah sirta ugu muhiimsan ay isticmaalaan dadka lacagta sameeyay.! Waxaana luuqadda qalaad lagu yiraahdaa “Multiple Source of income” (MSI). Waxaa laga yaabaa in aad iswaydiiso Waa maxay MSI ? Msi ma’ahan macnaheeda in aad shaqo kale raadiso si aad dakhli kale uga hesho, ee waa in aad ka fikirtaa qaabka ugu fudud oo aadan ugu tiirsanaan lahayn dakhli hal meel kaa soo gala.! MSI Waa dakhli kaasoo gala meelo kala duwan oo ka baxsan shaqada hadda aad hayso. Dakhligaas wuu badan karaa, wuu yaraan karaa, waxaa macquul ah in sanadaha hore aysan waxba kaa soo galin, lkn muhiimmadu waa dakhli kala duwan oo kaa soo gala meelo kala duwan, Waddada aad lacag ku samayn lahayd waxaad cagta saartay marka meelo kala duwan ay dakhli kaa soo galaan.

In dakhli kala duwan kusoo galo, macnaheedu waa adiga oo lacag samayn raba.. ha isku wareerin wax kale, fiiri, hareerahaaga, is waydii, waa maxay qaabka ugu fudud aan ku abuuri karo, ama aan ku heli karo, dakhli ka madax bannaan kan hadda isoo gala ? haddii ay jirto hal sir oo maqaalkaan aad ka faa’iiday hanoqoto, ku dadaalka in aad ku dadaasho, sidi aad ku abuuri lahayd, dakhli kala duwan. Dakhli kala duwan in aad hesho waa awood.! (MSI), sababtoo ah, waxa ay kusiinaysaa awoodda ah in aad lacag samayn karto.! Intaad waqtigaaga ku lumin lahayn, fikrado qaldan, oo deegaankeena aan ka dhaxalnay, waa in aad waqtigaaga ku bixisaa in aad ka shaqayso sidii aad ku samayn lahayd, ku heli lahayd qaabki uu kugu soo gali lahaa dakhli kaaga imaanayo meelo kala duwan.! Haddii aad sidaa samayso waxa aad cagta saartay waddadi xornimada, taas oo kugu haggaysa waddadi guusha… Haddii aad dhahdo sideen ku sameen karaa MSI ? waxaa laga yaabaa jawaabteeda in aad si dadban ama si toos ah uga hesho akhrinta maqaalladeena dambe ama dhiganaha (buugga) “Sidee lacag ku samaynaysaa”? akhri una akhri buuggaan si daggan, adigoo meelaha qaar ka fikiraya, si aad waxbadan uga faa’iido. Hal sheey oo aad u baahantahay in aad xasuusato: in aad dakhli kala duwan hesho macnaheeda ma’ahan in shaqada hadda aad joogto aad ka tagto. Xaqiiqatan waa arin ka duwan taas, sababtoo ah meesha hadda aad ka shaqayso dakhli ayaa kaa soo galaya, soo sidaa ma’ahan ? U jeedadeemma ma’ahan in dakhliga hadda kusoo galaya aan kugu dhiirigalinno in aad iska jarto adigoon helin wax aad uga maaranto..lkn ujeedkeenu wuxuu yahay in aan kugu baraarujinno in aad ka fikirto qaabki aad ku heli lahayd dakhli kamadaxbanaan kan hadda kusoo gala. Ugu dambayn, maqaalkaan marka aad akhriso kadib, shaqadaadu waxa ay tahay, in aad meel dagan fariisato, islamarkaanna aad iswaydiiso, sideen ku heli karaa dakhli kamadaxbanaan midka iminka isoo gala ? Mar haddii aad su’aal sax ah iswaydiiso, kana fikirto, waan hubaa in jawaabta maskaxdaada ku kaydsan ay banaanka isa soo dhigayso. Uma baahnid in aad faylasuuf noqoto si aad isku waydiiso su’aal. Iswaydii Maxaan u baahanahay in aan sameeyo si aan u helo dakhli kale ?

W/Q : Mohamed Dahir Abukar

E-mail: Talo2020@live.com

FB: https://www.facebook.com/muhammed.dahir


Featured Posts
Recent Posts
Search By Tags
No tags yet.
Archives
Archive
Follow Us
bottom of page